“Wuu adag tahay” — Kylian Mbappe ayaa ka hadlay xiriirka uu la leeyahay Antoine Griezmann ka dib markii xiddiga Real Madrid lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa inuu weeraryahankii hore ee France ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah.
Xiddiga France iyo Real Madrid Kylian Mbappe ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu mas’uul ka ahaa go’aanka uu Antoine Griezmann kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.
Griezmann ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka qaranka France bishii Sebtember 2024, isagoo soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed ee caalamiga ah ka dib markii uu matalay dalkiisa 137 jeer isla markaana uu u dhaliyay 44 gool.
Weeraryahanka 33-jirka ah wuxuu qeyb muhiim ah ka ahaa xulka France ee qaaday Koobka Adduunka markii labaad taariikhda sanadkii 2018.
Markii uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, Mbappe ayaa baraha bulshada ku soo qoray farriin qalbi-furan oo uu ugu mahadcelinayay Griezmann, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah halyeeyada kubadda cagta casriga ah ee Faransiiska.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Real Madrid ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa in weeraryahanka waayo-aragga ah uu ka fariisto xulka qaranka. Wareysi uu siiyay Le Parisien, 26-jirkaan ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo ka hadlay xiriirka uu la leeyahay xiddiga Atletico Madrid.
Wareysigaas, Mbappe wuxuu yiri: “Marar badan ayaan Antoine wada hadalnaa. Wiilkiisa waan jeclahay, waa mucjiso kubadda cagta ah, wuxuuna i soo xasuusiyaa naftayda markaan yarraa. Waxaan jeclahay, Amaro. Laakiin kadib, waa run inay adag tahay sababtoo ah waxaan joognaa magaalo ay labada kooxood ee aanu u ciyaarno yihiin kuwa is haya.
“Laakiin waxaan idiin xaqiijin karaa, waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan oo aan la leenahay Antoine. Marar badan ayuu igu casuumay gurigiisa inaanu isla cunno hilib shiilan. Ma dhicin wali, laakiin waxaan hubaa inaan gaari doono halkaas. Waxaan ku noolnahay isku dhismo, deris ayaan nahay.”
Weeraryahanka Madrid ayaa sidoo kale sheegay inuu ogaa go’aanka Griezmann ee ka fariisashada ciyaaraha caalamiga ah ka hor inta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin. Wuxuu intaas ku daray: “Kaliya ma ahan inaan ogaa inuu ka fariisanayo, balse sidoo kale wuu ii sharaxay sababta. Laakiin sida caadiga ah, waa go’aankiisa, isagaa kali ah ayaa kuu sharixi kara sababta uu doorashadaas u sameeyay.”