Falanqeeyaha Kubadda Cagta, Richard Keys, Ayaa Sheegay In Tababaraha Liverpool, Arne Slot, Ugu Dambeyn Gartay In Premier League Uusan Sida Uu Filayay U Fududeyn.
Wuxuu hadalkan sheegay kadib markii uu daawaday Liverpool oo Axaddii laga badiyay final-ka Carabao Cup ay la ciyaareen Newcastle United.
Sida uu sheegay Keys, Liverpool waa koox caadi ah oo kaliya faa’iidaysatay bilow fiican oo ay xilli-ciyaareedka sameeyeen iyagoo la kulmay tartamayaal daciif ah.
Newcastle ayaa ku guuleysatay koobka kadib markii ay Axaddii ku garaaceen Liverpool 2-1 garoonka Wembley, iyadoo Dan Burn (45′) iyo Alexander Isak (52′) ay goolasha u dhaliyeen, halka Federico Chiesa (90+4′) uu dhaliyay goolka qura ee ay Liverpool la timid.
Liverpool sidoo kale waxaa laga soo reebay UEFA Champions League kadib markii ay Talaadadii, Maarso 11, guuldarro kala kulmeen Paris Saint-Germain.
Ka dib final-ka Carabao Cup, Richard Keys ayaa bartiisa X ku qoray: “Xilli-ciyaareedkan ma aanan ogeyn heerka dhabta ah ee kooxda Liverpool. Toddobaadkan wuxuu wax badan na baray tayada horyaalka.
“Waxay yihiin koox dhexdhexaad ah. Waxay horyaalka ku hoggaaminayaan laba sababood – waxay heleen bilow wanaagsan iyo sababtoo ah kooxaha kale oo tartanka ka haray. Slot wuxuu hadda ogaaday in kubadda cagta Ingiriiska aysan sidaas u fududeyn.”
Liverpool waxaa sidoo kale laga reebay FA Cup bishii hore kadib markii ay 1-0 kaga hareen wareega Afraad, waxaana garaacay kooxda heerka labaad ee Plymouth Argyle.