Diogo Jota ayaa wajahaya dhaleeceyn adag kadib bandhigiisii liitay ee finalkii Carabao Cup, taasoo keentay inuu fariin u diro taageerayaasha Liverpool si uu uga hadlo niyad-jabka.
Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan 2-1 kala kulantay Newcastle Wembley, taasoo sii muujisay toddobaad murugo leh oo kooxda Arne Slot heysatay.
Dan Burn ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa carruurnimo, halka Alexander Isak – oo lala xiriirinayo Liverpool – uu goolka labaad dhaliyay daqiiqado kadib markii gool laga diiday.
Federico Chiesa ayaa gool niyad dhis ah u dhaliyay Reds, balse kuma aysan filnayn Reds, kuwaasoo toddobaad gudihiis ku lumiyay labo koob, maadaama ay horay uga hareen Champions League kadib guuldarro ay kala kulmeen PSG.
Jota ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay bandhigiisii liitay, waxaana taageerayaal badan ay dalbadeen in la iibiyo. Balse, wuxuu fariin u diray jamaahiirta Liverpool kadib guuldarrada.
Kadib guuldarrada, Jota ayaa bartiisa Instagram ku qoray:
“Ma aheyn wax na qanciya maanta! Toddobaad aad u niyad-jabsan oo dhammaan taageerayaasha Liverpool ah…
Si adag ayaan dib ugu soo laaban doonaa si aan ugu dagaallano horyaalka.”
Xidigaha ay isku kooxda yihiin, oo ay ka mid yihiin Harvey Elliott iyo Darwin Núñez, ayaa si toos ah uga falceliyay fariintiisa, iyagoo taageero u muujiyay.
Taageerayaasha Liverpool ayaa muddo dheer dalbanayay in Jota la iibiyo sababo la xiriira bandhigiisa aan joogtada ahayn iyo dhaawacyadiisa badan.
Rabitaankooda ayaa laga yaabaa inuu rumoobo, maadaama Football Insider ay warisay in Arsenal ay ka fiirsaneyso inay la saxiixato Jota xagaagan si ay u xoojiyaan weerarkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Jota ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xilli ciyaareedkan, isagoo marar badan loo doortay booska weerarka dhexe, halka Darwin Núñez uu keydka ka soo galo. Ilaa hadda, wuxuu dhaliyay 8 gool iyo 3 caawin muddo 1,481 daqiiqo ah oo uu ciyaaray.
Liverpool waxaa durba lala xiriirinayaa weeraryahano kala duwan, oo ay ka mid yihiin Alexander Isak, kaasoo mar kale muujiyay xirfadiisa markii uu Reds gool kaga dhaliyay finalka Carabao Cup. Xiddig weerarka dhameystiran sida Isak ayaa ah waxa ay u muuqato in Liverpool ay la’dahay.
Haddaba, su’aashu waxay tahay, Jota ma sii joogi doonaa Anfield mise wuu dhaqaaqi doonaa? Ilaa go’aankaas la gaaro, isaga iyo saaxiibadiis waa inay dib u eegaan dagaalkooda horyaalka Premier League kadib toddobaad murugo leh oo koobab ay lumiyeen.