Tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, ayaa si cad u sheegay sababta uu uga reebay Jack Grealish liiskiisa ugu horreeya ee xulka qaranka, isagoo qiray in qaab ciyaareedkiisa hadda uusan u qalmin in lagu soo daro xulka.
Grealish, oo ah xiddig Manchester City ay kusoo iibsatay £100 milyan, ayaa la kulmay xilli ciyaareed adag, wuxuuna xitaa qirtay inuusan haatan si joogto ah u ciyaarin. Tuchel ayaa sidoo kale tilmaamay in sawirrada Grealish ee laga qaaday isaga oo ku raaxeysanaya oo khamri cabaya aysan “ahaanin wax wanaagsan”.
Tuchel: “Waan jeclahay Jack, Laakiin Waa Go’aan Ciyaareed”
Tuchel ayaa sheegay in uu aad u jecel yahay qaab ciyaareedka iyo dabeecadda Grealish, wuxuuna yiri:
“Waan jeclahay Jack. Ciyaar ahaan, waan jeclahay. Waan jeclahay shakhsiyaddiisa, tayo ahaan wuu sareeyaa. Waa ciyaaryahan geesi ah oo aan cabsi ka qabin cadaadiska garoomada waaweyn sida Bernabéu. Laakiin si uu ugu noqdo mid muhiim u ah xulka England, waa inuu helo waqti ciyaareed joogto ah.”
Tuchel ayaa qiray in Grealish uu dhibaato kala kulmay fursadaha uu ka helay Manchester City, wuxuuna yiri:
“Isaga laftiisa iyo aniga waxaan isku raacnay in uusan ahayn ciyaaryahan u qalma. Wuxuu igu yiri, ‘Thomas, aad ayey iigu adag tahay inaan saameyn ku yeesho ciyaarta marka kursiga keydka la iiga yeero, kadibna aan markale keydka galo muddo laba toddobaad ah, ka hor inta aanan markale laigu bilaabin ciyaar kale’.”
Grealish Oo Lagu Bedelay Anthony Gordon
Tuchel ayaa intaas ku daray in go’aanka laga gaaray Grealish uu yahay mid ciyaareed, isla markaana Anthony Gordon uu haatan helayo fursado badan, taasoo keentay in loo arko doorasho ka wanaagsan Grealish:
“Anthony Gordon waa ciyaaryahan xilli ciyaareedkan helay fursado badan oo uu ku dhiso qaab ciyaareedkiisa. Wuxuu leeyahay dadaal iyo daafacasho dheeraad ah, taasoo ka dhigaysa inuu haatan helo booskaas.”
“Grealish waa ciyaaryahan karti leh, laakiin markasta waxaa la socota mas’uuliyad garoonka ka baxsan. Waa muhiim in uu muujiyo dheellitirnaanta ka dhexeysa xirfaddiisa iyo noloshiisa gaarka ah.”
Go’aanka Tuchel ee ka reebista Grealish xulka ayaa durba dhaliyay hadal-heyn badan, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha England ay rumeysan yihiin in xiddiga Manchester City uu weli mudnaa in looga yeero xulka qaranka.