Dhammaan isku aadka wareega siddeed dhammaadka Champions League ayaa la xaqiijiyay.
Tani waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyay wareegii 16-ka habeenkii Arbacada.
Aston Villa ayaa la ciyaari doonta Paris Saint-Germain kulanka ugu horreeya ee siddeed dhammaadka. Kooxda Unai Emery ayaa ka faa’iidaysatay in kooxda ka soo horjeedda ay 10 ciyaaryahan noqotay, iyagoo 3-0 ku xasuuqay Club Brugge.
Marco Asensio ayaa labo gool dhaliyay halka Ian Maatsen uu isna shabaqa soo taabtay.
PSG waxay u gudubtay wareega xiga kadib markii ay rigoorayaal 4-1 kaga badiyeen Liverpool, kaddib markii labadii lugood ay ku dhammaadeen barbaro 1-1.
Inter Milan ayaa la ciyaari doonta Bayern Munich kulanka labaad ee siddeed dhammaadka.
Kooxda Vincent Kompany ayaa ka adkaatay Bayer Leverkusen labada lugood.
Ka dib markii ay 3-0 ku badiyeen Allianz Arena, Harry Kane iyo Alphonso Davies ayaa goolal u dhaliyay Bayern, taasoo siisay guul 5-0 ah guud ahaan.
Inter Milan ayaa iyadana booskeeda xaqiijisay kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Feyenoord garoonka San Siro.
Barcelona ayaa wajihi doonta Borussia Dortmund si ay u gaaraan semi-finalka. Barcelona waxay ka takhalustay Benfica, halka Dortmund ay Lille garaacday.
Arsenal ayaa la ciyaari doonta Real Madrid, taasoo rigoorayaal 4-2 ah ku reebtay Atletico Madrid.
Kulamada wareega siddeed dhammaadka waxaa la ciyaari doonaa Abriil 8 iyo 9.
JADWALKA DHAMMAYSTIRAN:
Paris Saint-Germain vs Aston Villa
Real Madrid vs Arsenal
Inter Milan vs Bayern Munich
Borussia Dortmund vs Barcelona