Goolhayaha Real Madrid, Thibaut Courtois, ayaa ka falceliyay rigooradii muranka dhalisay ee Julian Alvarez intii lagu jiray wareegga 16-aad ee Champions League ee ay la ciyaarayeen Atletico Madrid.
Goolhayaha reer Belgium wuxuu aaminsan yahay in UEFA aysan qaadan lahayn go’aankaas haddii aysan si cad u arkin xagasha saxda ah.
Courtois, oo si toos ah u hor taagnaa Alvarez xilligii ay dhacday arrinta, ma uusan bixin sharaxaad cad oo ku saabsan waxa dhacay balse wuxuu ku tiirsanaa xukunka UEFA.
Rigooradii Julian Alvarez ayaa la laalay intii lagu jiray rigoorooyin-kii ay la yeesheen Real Madrid, waxaana Los Blancos ay ugu dambeyn 4-2 kaga adkaadeen kooxda ay halka magaalo ka wada dhisan yihiin.
Alvarez ayaa u soo dhaqaaqay inuu qaato rigoorada afaraad ee Atletico Madrid kadib markii Kylian Mbappe, Alexander Sorloth, iyo Jude Bellingham ay dhamaantood rigoorayaashooda dhaliyeen.
Xiddiga reer Argentina ayaa simbiriiraxday wax yar kahor inta uusan kubadda laadin, balse waxa uu awooday inuu shabaqa gaaro. Si kastaba ha ahaatee, VAR ayaa dib u eegis ku sameysay rigoorada, waxaana la ogaaday in lugtiisii taagnayd ay si yar u taabatay kubadda kahor inta uusan laadin, taasoo ka dhigtay labo taabasho, sidaas darteed garsoorayaashu way laaleen.
Markii wax laga weydiiyay arrinta kadib hadalkii tababaraha Atletico Madrid, Diego Simeone, Courtois wuxuu sheegay inuu ka daalay in uu had iyo jeer garsoorayaasha eedeeyo.
Wuxuu yiri: “Dhammaanteen waan ognahay in UEFA ay si cad u aragto. Waan ka daalay eedeynta joogtada ah ee loo jeediyo garsoorayaasha, had iyo jeerna laga ooyo waxyaabaha noocan oo kale ah.”
Real Madrid ayaa 4-2 kaga adkaatay Atletico Madrid rigoorayaal kadib, waxayna hadda wajihi doonaan Arsenal wareegga siddeed dhammaadka tartanka bisha April.