Tababaraha Atletico Madrid, Diego Simeone, ayaa muujiyay yaab iyo amakaag kadib go’aanka kaaliyaha garsooraha (VAR) ee doorka weyn ka qaatay ka haritaankooda tartanka Champions League habeenkii Arbacada.
Gool ku laadkii Julian Alvarez ayaa la laalay intii lagu jiray rigoorayaashii ciyaarta ay la yeesheen Real Madrid.
Tani waxay noqotay meel leexad weyn ah, waxaana Real Madrid ay ugu dambeyn guul 4-2 ah ka gaartay kooxda ay magaalada ka wada dhisan yihiin.
Alvarez ayaa qaatay rigoorada afaraad ee Atletico Madrid kadib markii Kylian Mbappe, Alexander Sorloth, iyo Jude Bellingham ay dhamaantood shabaqa soo taabteen.
Wuxuu u muuqday mid si yar u simbiriiraxanaya ka hor inta uusan kubadda laadin, balse waxa uu awood u yeeshay inuu kubadda ku xoojiyo shabaqa sare.
Federico Valverde ayaa u soo dhaqaaqay inuu qaato rigooryada xigtay ee Real Madrid, balse laadka waa la hakiyay kadib markii VAR ay dib u eegis ku sameysay rigooradii Alvarez.
Kadib baaritaan, VAR waxay ogaatay in lugtiisa taagnayd ay si yar u taabatay kubadda ka hor inta uusan laadin, taasoo ka dhigtay laadka mid laba taabasho ah, sidaas darteed garsooraha ayaa laalay.
Markii uu saxaafadda la hadlay kadib ciyaarta, Simeone ayaa sheegay inuu weligiis arkin wax la mid ah, isagoo ku dooday in ciyaaryahanka uu kubadda taabtay hal mar oo kaliya.
Simeone wuxuu yiri: “Qof kasta oo halkan jooga: gacanta ha taago haddii uu arkay in Julián uu laba jeer kubadda taabtay intii uu rigooryada laadayay. Yaa arkay? Ma jiro qof kor u qaaday. Su’aasha xigta.”
“Weligey ma arkin VAR oo dib u eegaya rigoore la qaatay inta lagu jiro shootout.”
Real Madrid ayaa ugu dambeyn 4-2 kaga adkaatay Atletico Madrid, waxayna u gudubtay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka, halkaas oo ay la ciyaari doonaan Arsenal bisha April.