Ciyaartii xiisaha badnayd ee xalay dhex martay Atlético de Madrid iyo Real Madrid ayaa lagu xusuustaa dhacdooyin xiiso leh oo ka dhacay garoonka Estadio Metropolitano. Kahor bilaabashada ciyaarta, taageerayaasha Atlético ayaa soo bandhigay boodh weyn oo ay ku qornayd “Sanadkan waxaan ku guuleysan doonnaa Champions League” oo uu weheliyo sawirka koobka UEFA Champions League.
Vini wuxuu bartiisa kusoo xariiqay jawaab layaab leh:”Sanadka dambe iska suga”
Ciyaarta ayaa ahayd mid adag oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen dadaal weyn. Atlético ayaa ku guuleysatay inay dhaliso goolka kaliya ee ciyaarta, taasoo keentay in guud ahaan labada lugood ay isku noqdaan. Natiijadan ayaa keentay in lagu kala baxo rikoodheyaal, halkaas oo Real Madrid ay ku adkaatay, iyadoo Antonio Rüdiger uu dhaliyay rikoodhihii go’aamiyay guusha.
Intii lagu jiray rikoodheyaasha, Vinícius Júnior ayaa nasiib darro ku khasaariyay rikoodhe muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, markii la bedelay daqiiqadii 115-aad, Vinícius ayaa la arkay isagoo taageerayaasha Atlético u tilmaamaya in Real Madrid ay heysato 15 koob oo Champions League ah, halka Atlético aysan weli ku guuleysan midna.
Kadib ciyaarta, Vinícius ayaa bartiisa bulshada ku faafiyay sawirro uu ku muujinayo astaanta 15-ka Champions League ee Real Madrid, taasoo u muuqatay jawaab toos ah oo ku socota boodhkii taageerayaasha Atlético.
Dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida xiisaha leh ee kulamada derbiga Madrid ay u yihiin, iyadoo ciyaartoyda iyo taageerayaasha ay mar walba muujiyaan dareenkooda iyo tartankooda. Real Madrid ayaa markale xaqiijisay awooddeeda tartanka Champions League, halka Atlético ay weli raadineyso koobkeedii ugu horreeyay ee tartankan.