Jude Bellingham wuxuu noqday mid ka mid ah saxiixyadii ugu waxtarka badnaa ee Real Madrid, tan iyo markii uu yimid Spain sanadkii 2023, kadib saddex sano oo uu ku qaatay Bundesliga isaga oo u ciyaarayay Borussia Dortmund.
Tan iyo imaatinkiisa, Bellingham wuxuu LaLiga ku qabsaday awood, isagoo si joogto ah u dhalinaya goolal xitaa isagoo ah khad dhexe. Xiddigan weerarka ah wuxuu door weyn ka ciyaaray xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid, isagoo kooxda ka caawiyay hanashada Champions League markoodii 15-aad iyo horyaal kale oo LaLiga ah.
Qaab ciyaareedkiisa wacan wuxuu ka dhigay mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan ee kooxda Los Blancos. Laakiin imisa ayuu dhab ahaantii ka helaa Madrid?
Sida laga soo xigtay GOAL, oo xogta ka heshay Capology, Bellingham wuxuu Madrid ka qaataa mushaar fara badan, isaga oo todobaadkii ku helaya qiyaastii £330,187 ($421,792), halka mushaharkiisa sanadlaha ah uu gaarayo in ka badan £17 milyan ($21m).
Xiddigan Ingiriiska ah ayaa haatan ah laacibka saddexaad ee ugu mushaharka badan Real Madrid, isagoo ka dambeeya Kylian Mbappé iyo David Alaba oo kala hoggaaminaya liiska mushahar bixinta kooxda.