Makhaayaddii ‘Toto’ ee magaalada Madrid, oo ay maalgashadeen Cristiano Ronaldo iyo halyeeyga Tennis-ka Rafael Nadal, ayaa si lama filaan ah loo xiray kadib kaliya saddex sano oo ay furneyd.
Makhaayaddan Talyaaniga ah, oo la furay bishii Maarso 2022, waxay ahayd mid ka mid ah ganacsiyada ay maalgelinayeen xiddigaha waaweyn ee ciyaaraha, Ronaldo,Nadal, iyo ciyaartoyda kubbadda koleyga ee reer Spain, Rudy Fernandez iyo Pau Gasol. Makhaayaddu waxay hoos tagtay kooxda Tatel Group, oo uu Nadal ka mid yahay aasaasayaasheeda.
sababta ugu weyn ayaa la shaaciyay iney tahay in markii Ronaldo isaga hayaamay madrid ay maqaaxida dhulka gashay taas oo ugu dambeyntii sababtay in albaabada laisugu dhufto.
‘Toto’ waxay caan ku ahayd cunnooyin Talyaani ah, gaar ahaan baastada carbonara ee loo yaqaan “Vera Carbonara de Toto,” taasoo lagu xayeysiin jiray inay bixiso cunto gaar ah oo dhadhan leh. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta El Espanol ayaa sheegtay in makhaayaddan laga xidhay magaalada Madrid, inkastoo laanteeda Dubai ay weli furan tahay.
Makhaayaddan xiran waxay qayb ka ahayd shirkadaha badan ee Cristiano Ronaldo leeyahay. Xiddiga reer Portugal, oo aan ku ekaan guulaha garoonka dhexdiisa, wuxuu sidoo kale dhistay ganacsi ballaaran oo ay ka mid yihiin astaanta dharka iyo nolosha, isbitaalka timaha lagu beero, xarumo jimicsi, iyo xitaa channel YouTube ah oo rikoor jabiyay. Sidoo kale, Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo inuu iibsado koox kubbadda cagta ah marka uu si rasmi ah uga fariisto ciyaaraha.