Gavi, ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda FC Barcelona, ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis Pedri, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu wanaagsan waqtigan xaadirka ah. Gavi wuxuu yiri: “Qof walba wuu ogyahay nooca ciyaaryahan ee uu yahay. Sannadkii hore ma uusan awoodin inuu is muujiyo sababo la xiriira dhaawacyo, laakiin aniga ahaan waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican waqtigan,ma jirto cid ka mudan Ballon D’Or ka sanadkan asaga.”
Hadallada Gavi ayaa imanaya xilli Pedri uu soo bandhigayo qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray guushii 3-1 ee ay Barcelona ka gaartay Benfica, taasoo keentay inay u soo baxaan wareegga siddeedda ee Champions League.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa sidoo kale amaanay Pedri, isagoo sheegay inuu yahay “ciyaaryahanka ugu fiican adduunka booskiisa.”
Pedri, oo 22 jir ah, ayaa si degdeg ah ugu soo baxay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain. Xirfaddiisa, aragtidiisa garoonka, iyo awooddiisa uu ku xakameeyo ciyaarta ayaa kasbaday ammaan badan oo ka yimid saaxiibbadiisa iyo tababarayaasha.
Sannadkii 2023, Pedri wuxuu ku dhammeystay kaalinta saddexaad ee abaalmarinta Kopa Trophy, oo la siiyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu fiican adduunka, halka Gavi uu ku dhammeystay kaalinta shanaad. Tani waxay muujineysaa heerka sare ee ay gaareen labada ciyaaryahan ee da’da yar ee Barcelona.
Marka la eego hadallada Gavi iyo qaab ciyaareedka Pedri, waxaa muuqata in xiddigan da’da yar uu leeyahay mustaqbal ifaya, iyadoo suurtagal ah inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or mustaqbalka dhow, haddii uu sii wado horumarkiisa iyo qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah.