Raphinha ayaa dhigay rikoor cusub isagoo noqday ciyaaryahanka reer Brazil ee ugu goolasha badan hal xilli ciyaareed oo Champions League ah, isagoo dhaliyay 11 gool.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay Barcelona 3-1 kaga adkaatay Benfica, taasoo siisay guul 4-1 ah guud ahaan labada lugood ee wareega 16-ka Champions League.
Raphinha ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida kooxdiisa kadib markii ay u gudbeen wareega 8-da, isagoo sheegay in Barcelona ay tahay musharax adag oo ku guuleysan karta dhammaan tartamada.
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa amaanay qaab ciyaareedka Raphinha, isagoo tilmaamay in isbedelka booskiisa uu ka caawiyay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed heer sare ah.
Raphinha ayaa hadda ah gooldhaliyaha ugu sareeya ee Champions League xilli ciyaareedkan, taasoo sii xoojisay rajada uu ku hanan karo Ballon d’Or 2025.
Xiddigii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa aaminsan kan ugu cad-cad ee hanan kara abaalmarintan kadib markii Mo Salah uu ka haray tartanka Uefa Champions League.
Raphinha kahor kulankii xaley waxaa la ogaaday in caqabad qoys heysatay.wuxuu isbitaal kula jiray gabadhiisa, taasoo sababtay inuu adeegsado gaadiid ka duwan baska ciyaartooyda ka hor kulankii Benfica.