Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa shaaca ka qaaday waxa uu u sheegay saaxiibadiis kooxda kaddib markii Paris Saint-Germain (PSG) ay ka reebtay tartanka Champions League Talaadadii.
Van Dijk ayaa ciyaaray kulankii ay PSG uga reebtay Liverpool wareega 16-ka ee Champions League.
Hoggaamiyaasha Premier League waxay lugtii hore ee Paris ku soo badiyeen 1-0 todobaadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Ousmane Dembélé ayaa barbarreeyay ciyaarta Anfield, iyadoo lugta labaad ku dhamaatay 1-0 kaddib 120 daqiiqo oo la ciyaaray.
PSG waxay ugu dambeyn guusha ku xaqiijisatay rigoorayaal, iyagoo u mahadcelinaya goolhayahooda Gianluigi Donnarumma, kaasoo badbaadiyay laba rigoore oo ay tuureen Darwin Núñez iyo Curtis Jones.
Markii uu la hadlayay Amazon Prime ciyaarta kaddib, Van Dijk wuxuu sheegay in uu ciyaartoyda Liverpool u sheegay inay madaxooda sare u qaadaan, inkastoo laga reebay tartanka, isla markaana ay diiradda saaraan kulankooda xiga ee finalka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Newcastle United.
“Wuxuu ahaa kulan aad u adag oo kubbadda cagta heerka sare ah,” Van Dijk ayaa yiri. “Fursad Liverpool wey heysatay, marka loo eego wixii aan Paris ku soo bandhignay, balse nasiib darro waa nala reebay, waana xaqiiqada dhabta ah.”
“Waxaan fursado halis ah abuurnay qeybtii hore, iyagana tayo ayey leeyihiin, ugu dambeynna waxaa la isla gaaray rigoorayaal.”
“Waa qayb ka mid ah kubbadda cagta. Waxaan u sheegay wiilasha, dabcan waa la niyad jabi karaa maxaa yeelay tartanka waan ka baxnay, laakiin waa in madaxooda sare u qaadaan oo ay u diyaar garoobaan caqabadaha xiga, mid qurux badan ayaana naga horreeya dhamaadka todobaadka.”