Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa shaaca ka qaaday walaaciisa ugu weyn ee la xiriira guuldarradii kooxdiisu kala kulantay Paris Saint-Germain (PSG) rigoorayaashii Champions League Talaadadii.
Liverpool ayaa laga saaray Champions League wareega 16-ka habeenkii Talaadada, kaddib markii ay rigoorayaal ku reebtay PSG garoonka Anfield.
Goolhayaha PSG, Gianluigi Donnarumma, ayaa noqday geesiga kooxda Ligue 1, isagoo si muhiim ah u badbaadiyay rigoorayaal ay tuureen Darwin Núñez iyo Curtis Jones.
Dhanka kale, PSG ma aysan khasaarin wax rigoore ah, iyadoo Desire Doue uu dhaliyay goolkii guusha ee kooxda Luis Enrique u xaqiijiyay booska siddeed dhammaadka Champions League.
Markii uu ciyaarta kaddib la hadlayay warbaahinta, Carragher wuxuu ka dhawaajiyay in uu la yaabay tartiibta la raacay kahor rigoorayaashii la tuurtay.
Daaficii hore ee England wuxuu rumeysan yahay in tani ay siisay PSG laba faa’iido oo ka badan Liverpool.
“Hal shay oo aanan fahmin marka la tuurayay rigoorayaashii waa… sida iska cad waxaa jiray tuurista shilinka oo u dhexeysay Virgil van Dijk iyo kabtanka PSG,” ayuu Carragher ka yiri CBS Sports.
“PSG waxey heshay fursadda ugu weyn markii ay ku hor mareen hor billaabidda rigoorooyinka iyagoo laga helay shilinka. Sidaas darteed ma fahmin waxa halkaas ka dhacay.
“Caadiyan hal faa’iido ayaa la helaa, kooxda kale ayaana hor tuuata rigoore-heeda koowaad… laakiin PSG wey istaahishay inay soo baxdo.”