Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa rumeysan in Gunners ay u gudbi karaan wareega siddeed dhammaadka Champions League, iyagoo garaaci doona PSV.
Merson ayaa sidoo kale ku boorriyay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, inuu keydka dhigo Mikel Merino oo uusan ku bilaabin safka koowaad, halka uu soo jeediyay in Raheem Sterling uu ku bilaabo.
PSV ayaa martigelin doonta Arsenal lugta hore ee wareega 16-ka Champions League habeenka Talaadada.
Isaga oo ku qorayay faallo uu u sameeyay Sky Sports, Merson ayaa yiri: “Tani waxay noqon lahayd ciyaar sahlan oo Arsenal ay ku faraxsan tahay haddii ay heli lahaayeen koox dhammeystiran, laakiin hadda oo uu weerarkoodu daciif yahay, ma arko iyaga oo si fudud uga adkaanaya PSV.
“Waxay isu beddeshay mid adag. Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso labadii ciyaarood ee ugu dambeysay waxayna kaliya gool ka dhaliyeen Leicester, kuwaas oo ku jiray xaaalad liidata, 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay.
“Waxaan rajeynayaa in Mikel Arteta uu joojiyo inuu Mikel Merino weerarka ka ciyaarsiiyo. Ma fahmi karo sababtaas. Waan ogahay inuu beddel ku soo galay kulankii Leicester oo uu labo gool dhaliyay, laakiin Leicester waa Leicester, ma ahan koox aad u fiican.
“Aniga waxaan weerarka ku bilaabi lahaa Raheem Sterling. Wuu firfircoon yahay. Difaacyada way ku farxi lahaayeen inay maalin kasta la ciyaaraan Merino. Isagu ma ahan weeraryahan dabiici ah. Ugu yaraan Sterling hore ayuu uga ciyaaray booskaas.
“Tani waxay noqon doontaa ciyaar khatar ah. Waxaan filayaa in Arsenal ay u gudubto wareega xiga, laakiin ma arko inay sidaas sahlan ku heli doonaan guul. Waxaan filayaa inay dheeraato oo aan la saadaalin karin weli ciyaarta.”