Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dalab amaah ah kula soo wareegto garabka Barcelona Ansu Fati ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ( Givemesports)
Ruben Amorim ayaa dalbaday saddex saxiix oo waaweyn oo Man Utd lagu soo daro kuwaasoo kala ah weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres, kan Bayer Leverkusen Florian Wirtz iyo daafaca Paris Saint-Germain Achraf Hakimi. (Fichajes – Spain)
Arsenal ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareysa ka dhigtay weeraryahanka Wolverhampton Wanderers Matheus Cunha inta ka harsan suuqa kala iibsiga. (UOL – Brazil)
Aston Villa waa kooxdii ugu dambeysay ee ku biirta tartanka loogu jiro Cunha, kaasoo sidoo kale xiiso ka heysta Chelsea, Man Utd, Nottingham Forest iyo Tottenham Hotspur. (The Mail)
Manchester City ayaa si lama filaan ah u raadinaysa inay kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich maalmaha soo socda. (Football Insider)
Chelsea ayaa laga soo diiday dalab 8 milyan ginni ah oo ay ku doonaysay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Deportivo ee Yeremay Hernandez. (Fabrizio Romano)
Liverpool ayaa xiddiga garabka uga ciyaara ee Ben Doak u soo bandhigtay Bournemouth si uu qeyb kaga noqdo heshiis is dhaafsi ah oo ay kula soo saxiixanayso Antoine Semenyo, laakiin waxay tartan kala kulmi doonaan Arsenal iyo Tottenham oo isha ku haya Semenyo. (CaughtOffside)
PSG ayaa diyaar u ah inay la soo wareegto weeraryahanka Real Madrid Rodrygo hadii uu diyaar u yahaynu dhaqaaqista France ( Adelleh Boulma)
Barcelona ayaa ka shaqeyneysa heshiiska ay kula soo saxiixaneyso garabka Liverpool Luis Diaz, kaasoo ah bartilmaameedkooda ugu sareeya weerarka (Mundo Deportivo – Spain)
PSG ayaa siin doonta Ibrahima Konate fursad uu ku noqdo kabtanka cusub ee kooxda hadii uu ogolaado inuu ka tago Liverpool xagaagan. (Anfield Watch)
Barcelona ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Nottingham Forest Murillo, kaasoo ay xiisenayaan kooxaha Chelsea iyo Juventus. (SPORT – Spain)
Newcastle iyo Atlanta United ayaa ku heshiiyey qiimaha ay ku kala wareegsanayaan Miguel Almiron (The Telegraph)
Ajax ayaan xiiseyneynin inay amaah ku dirto weeraryahankeeda Brian Brobbey, xili West Ham United ay heshiis u bandhigtay (Fabrizio Romano)