Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku, iyadoo Blues ay baacsaneyso dhankeeda Alejandro Garnacho, sida laga soo xigtay Sky Sports.
Nkunku ayaa waqti adag ku qaatay Stamford Bridge tan iyo markii uu xagaagii 2023 kaga soo biiray RB Leipzig aduun dhan 52 milyan ginni.
Dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray jilibka markii uu yimid kooxda, taasoo u diiday inuu ka soo muuqdo Koobkii Adduunka ee 2022 ee xulka France.
Dhaawaca weeraryahanka reer France ayaa sameeyay intii uu joogay Galbeedka London, waxaana uu ku guuldareystay inuu boos ka helo tababare Enzo Maresca xilli ciyaareedkan.
Waxa uu kaliya saftay seddex kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo inta badan loo isticmaalay tartanka UEFA Confrance League, oo uu ka dhaliyay shan gool.
Majalada Bild ayaa sheegtay in United ay wadahadalo la leedahay Nkunku, kaasoo qaata £300,000 todobaadkii
Waxay rabaan in ay amaah kula wareegaan ka hor inta uusan xirmin suuqa jiilaalka 3da Febraayo, si uu u xoojiyo kooxda Ruben Amorim.