Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa haatan ku sugan Buenos Aires, Argentina, halkaas oo uu hoggaaminayo shir ku saabsan la dagaalanka burcadnimada dhinaca adeegyada muuqaalka iyo maqalka.
Arrintan ayaa noqotay mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Tebas ku haysata hoggaaminta horyaalka heerka koowaad ee Spain, maadaama burcadnimada, gaar ahaan daawashada sharci-darrada ah ee ciyaaraha kubadda cagta, ay tahay walaac weyn oo baahinta horyaalka ku aaddan.
Tebas ayaa xusay in ciyaartii Liverpool iyo Real Madrid si sharci darro ah looga daawanayay gudaha Spain, taasoo uu ku tilmaamay burcadnimo.
Wuxuu sharaxay in si sharci ah looga daawado ciyaaraha Champions League gudaha Spain ay tahay in qofku qandaraas la galo Movistar Television, oo ah baahiyaha rasmiga ah ee tartanka dalka Spain.
“Haddii ay Madrid ka dhacday, waxaan filayaa inay Madrid ahayd, waa burcadnimo. Si looga daawado Champions League gudaha Spain waa in loo maraa Movistar Television,” ayuu yiri Tebas sida ay ku warrantay SPORT.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in dad ay ku jiraan ciyaartoy, oo uu kamid yahay Vinicius Jr., ay si sharci darro ah u daawanayeen ciyaarta iyagoo adeegsanaya VPN ama saxamada xiddigaha oo loo leexiyay waddamo kale si looga gudbo xayiraadaha Movistar.
“Si aad u daawato waxyaabahaas waa inaad isticmaashaa VPN, ama saxan loo leexiyay meel kale. Waa in ficil firfircoon laga sameeyo meel ka baxsan adeega Movistar. Vini wuxuu si sharci darro ah u daawanayay ciyaarta. Waxaa lagu wargeliyay in markan dambe aysan si sharci darro ah u daawan doonin ciyaarta,” ayuu Tebas raaciyay.