Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaan meesha ka saarin in Diogo Dalot ka ciyaari karo boosas kala duwan.
Shayaadiinta cas cas ayaa si wanaagsan ku bilaawday waayaha tababaraha reer Portugal kadib barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Ipswich Town ka hor inta aysan 3-2 ku garaacin Bodo/Glimt gurigooda Europa League.
Man United ayaa daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta dhalisay labadaas kulan goolka hore, laakiin waxay ahaayeen kuwa u nugul difaac ahaan labada ciyaar.
Ka hor kulanka Everton ee axada, Amorim waxaa hor yaala su’aalo badan, kuwaas oo mid ka mid ah ay tahay doorka Dalot, kaasoo bedel ku soo galay qeybtii labaad kulankii xalay.
39-jirkaan ayaa yiri” aad ayuu u awood badan yahay, waa inaan ka faa,iideysano isaga.
25-sano jirku waxa uu ahaa mid aan muran galin booskiisa waayihii tababarihii hore ee Man Utd Erik ten Hag, laakiin waxa laga yaabaa in aanu door la mid ah kaas ku lahayn shaxda Amorim, kaas oo isku shaandheyn kara ciyaartoydiisa.
Amad Diallo iyo Antony ayaa ilaa hadda ka ciyaaray booska garabka midig ee daafaca. Amorim ayaa si cad u sheegay in Dalot uu booskaas kula tartami karo labada ciyaaryahan.
Noussair Mazraoui waa doorasho kale oo booskaas ah inkastoo uu leeyahay awood uu kaga ciyaaro daafaca dhaxe.
Amorim ayaa hadda tilmaamay in Dalot uu ka ciyaari doono boosas badan oo kooxda ah maadaama uu awoodaas leeyahay.