Goolhaye Kelleher ayaa ku soo bilowday sideedii kulan ee ugu dambeysay Liverpool ka dib markii uu dhaawac soo gaaray Alisson Becker, intii lagu jiray kulankii kooxdiisa guusha ka gaartay Crystal Palace 5-tii October.
Alisson ayaa la rumeysan yahay inuu wajahayo dagaal adag oo booskiisa ah inkastoo Arne Slot uu xaqiijiyay inuu maqnaan karo isbuuc kale oo dheeri ah sabab la xiriirta dhaawaciisa.
Alisson ayaa in ka badan lix sano ahaa goolhayaha lambarka 1-aad ee Liverpool, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay guulihii Liverpool horyaalka Premier League iyo Champions League.
Suurtagalnimada Alisson inuu kusoo laabto booskiisa ayaa albaabka u fureysa Kelleher oo ku biiri kara Chelsea.
Laacibka reer Republic of Ireland oo 26 jir ah ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo galbeedka London halkaas oo uu boos joogta ah ka heli karo.
Kelleher wuxuu ku kici karaa heshiiskiis £35m, waana wax ay awood u leedahay kooxda Chelsea oo raadineysa goolhaye cusub.