Shan guuldaro oo xiriir ah kadib Manchester City ayaa u muuqatay in ay gaari kartay guul ay si weyn ugu baahnayd caawa.
Erling Haaland ayaa gool ku laad u dhaliyay kooxda heysata horyaalka Ingariiska kulankii ay la ciyaaree Feyenoord oo qeybga hore ayay ku hogaamiyeen 1-0.
Haaland waa ciyaaryahanka ugu dhaqsaha badan ee gaara 50 tartanka Champions League.
Erling Haaland ayaa gaadhay 50 gool oo UCL ah 44 kulan oo uu ciyaaray isaga oo hal kulan ka yar rikoorkaan ku gaaray Ruud van Nistelrooy.
Ka dib xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee Pep Guardiola, City waxay umuuqatay inay ugu dambeyntii ka gudubtay Feynord markii Erling Haaland rigoore ku dhaliyay goolka labaad ka hor inta Gundugan dhalin goolka sadexada ee Sky Bule.
Anis Hadj Moussa ayaa qalqal ku riday kooxda Man City isaga oo gool usoo celiyay kooxda Feyenoord oo ciyaarta ka dhigtay 3-1.
Si layaab leh kooxda reer Holland ayaa kusoo laabatay ciyaarta markii ay heleen laba gool oo deg deg ah waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday 3-3.
Guardiola waxaa muuqata in difaac uusan heynin, dhibaaada kaliya ma ahan maqnanshaha Rodri ee waxaa jira difaac xumi.