UEFA Nations League: Wareegga Sideed Dhamaadka oo La Ogaaday Xulalka Isku Soo Baxay
Waxaa soo dhammaaday heerka guruubyada ee tartanka UEFA Nations League, waxaana la xaqiijiyey sideeda xul ee u soo baxay wareegga sideed dhamaadka oo bilaaban doona bisha Maarso ee soo socota.
Nidaamka tartankan ayaa dhigaya in xulalka kaalmaha koowaad iyo labaad uga soo baxay afarta guruub ee heerka koowaad ay u gudbaan wareegga xiga. Halka xulalka kaalmaha saddexaad iyo afraad ay u laabtaan heerarka hoose ee B iyo C.
Guruubyada sanadkan kama dhicin wax lama filaan ah oo waaweyn marka laga reebo xulka Belgium, oo ka haray tartanka iyadoo ku jiray guruub adag oo ay kula jireen xulalka France iyo Italy.
Xulka Spain oo difaacanaya koobkan ayaa u gudbay wareegga sideed dhamaadka, halka xulalka France iyo Portugal oo horey ugu guuleystay tartankan ay sidoo kale iska xaadiriyeen wareegga xiga.
Waxaa la filayaa in isku aadka wareegga sideed dhamaadka la qabto maalinta Jimcaha ee soo socota, si loo ogaado sida ay xulalku isugu aadi doonaan.
Xulalka u soo baxay wareegga sideed dhamaadka:
● Portugal
● Croatia
● France
● Italy
● Spain
● Denmark