Tan iyo markii uu Ruben Amorim la wareegay shaqada Old Trafford usbuucii hore, United ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo ciyaartoy dhowr ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ciyaartoyda Viktor Gyokeres iyo Geovany Quenda oo ka tirsan Sporting CP.
Si kastaba ha ahaatee, The Telegraph ayaa ku warameysa in milkiilaha kooxda Sir Jim Ratcliffe iyo shirkadiisa INEOS ayaa u gacan galin doonaan tababaraha reer Portugal miisaaniyad yar suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Shirkada maamusha Man Utd ee INEOS ayaa lagu soo waramayaa in aysan dooneyn in ay ku soo celiyaan kooxda qaladaadkii hore ee ka dhacay suuqa kala iibsiga.
Haatan si loo horumariyo jawiga iyo nidaamka cusub ee Amorim, Milkiilayaasha ayaa rajeynaya in weeraryahanada Joshua Zirkzee iyo Rasmus Hojlund, oo ku guuldareystay kooxda in kalsooni la siiyo halkii lacag badan lagu keeni lahaa bedelkooda.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Red Devils ay soo gaartay qasaaro isugeyn gaaraysa 312.9 milyan ginni seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
kooxda ayaa sidookale ku guuldareysatay inay xaqiijiso booskeeda Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah taasoo u aheyd dhibaato dhaqaale.
39-sano jirkii hore ee Sporting CP ayaa maamuli doona kooxda Manchester United markii ugu horeysay axada marka ay la ciyaaraan Ipswich Town kulan ka tirsan Premier League.