Rio Ferdinand ayaa sheegay in xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea ee Noni Madueke la ganaaxi karo labo toddobaad kadib fal uu ku tilmaamay “ixtiraam-darro” oo uu sameeyay kulankii Arsenal Axaddii.
Madueke ayaa lagu soo billaabay garabka midig ciyaartii ka dhacday garoonka Stamford Bridge usbuucaan, laakiin waxaa lagu bedelay Mykhailo Mudryk daqiiqado kaddib markii Gabriel Martinelli uu gool u dhaliyay Gunners.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga Ingiriiska ayaa u muuqday mid si cad uga carooday go’aankaas, wuxuuna si toos ah u galay tunelka Stamford Bridge daqiiqado ka hor intii uusan Pedro Neto iyo kooxdiisu dhalin goolka barbaraha ee Blues.
In kasta oo uu markii dambe ku soo laabtay kursiga keydka, haddana falka uu sameeyay ma uusan cajabin Ferdinand, kaasoo sheegay inuu u malaynayo inuu ganaax ku soo rogi lahaa Madueke si uu cashar uga barto.
“Ma malaynaysid in (Danny) Welbeck, Tom Cleverley, ama Nani ay garoonka ka bixi lahaayeen iyagoo careysan?” ayuu yiri Ferdinand asagoo ka hadlaya barnaamijkiisa ‘Rio Ferdinand Presents’. “Tani waxey ixtiraam-darro ku tahay saaxiibadaada kooxda sidoo kale.”
Isagoo ka jawaabayay dhacdadaas, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Owen Hargreaves, ayaa yiri: “Annagu marnaba ma samayn lahayn sidaas, maxaa yeelay Sir Alex (Ferguson) ayaa si xun noola dhaqmi lahaa.”
Ferdinand ayaa hadalkiisa ku daray: “Halkaas waa meesha uu tababaraha soo galayo. Waxaan u maleynayaa in tababaraha uu difaaco Madueke ay tahay wax aan la fahmi karin.
“Waana sababta aanan tababare u noqon karin, maxaa yeelay ma awoodo inaan iraahdo, ‘Haa wuu khaldamay laakiin waa wiil fiican.”