Macalinka xulka France Didier Deschamps ayaa Kylian Mbappe ka reebay xulkiisa ciyaaraya kulamada Nations League bishaan November.
Weeraryahanka Real Madrid looma dooran kulamada soo socda ee xulkiisa wajahayo xulalka qaranka kubadda cagta ee Israel iyo Italy.
Mbappe, oo 25 jir ah, ayaa laga saaray xulka France bishii October laba kulan oo Nations League ah, si looga taxadiro dhaawaciisa, waxaana la filayay inuu ku soo laabto xulashada bishaan.
“Waxaan la yeeshay wadahadal isaga, waa go’aan aan qaatay aniga inuusan xulka kusoo biirin” Deschamps ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.
“Kylian wuxuu rabay inuu xulka u ciyaaro.” laakiin go,aanka anigaa qaatay ah inuusan xulka kusoo biirin waqtigaan.
Xiddigan oo si xor ah ugu biiray Real Madrid xagaagii markii uu ka tagay Paris St-Germain ayaa ku dhibtoonayay la qabsiga kooxdiisa cusub tan iyo markii uu u dhaqaaqay Bernabeu.
Mbappe ayaa dhaliyay 8 gool 15 kulan oo uu u saftay kooxda La Liga, laakiin waxa uu dhaliyay kaliya hal gool shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
Real, oo ku guuleysatay Champions League iyo La Liga xilli ciyaareedkii hore, ayaa waxaa 4-0 ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona bishii hore, waxaana ay 9 dhibcood ka dambeeyaan Catalans horyaalka.
Mbappe, oo ku guuleystay Koobkii Adduunka 2018, ayaa dhaliyay 48 gool 86 kulan oo uu u saftay xulka France.