Viktor Gyokeres ayaa daaha ka qaaday qorshaha Ruben Amorim ee Man Utd ka dib guushii Man City.
Ruben Amorim ayaa kullankii ugu dambeeyay ee gurigiisa uu ku maamulo Sporting ka hor inta uusan la wareegin Manchester United waxa ay 4-1 ku xasuuqeen Manchester City kulan ka tirsan Champions League.
Xiddiga Sporting Viktor Gyokeres ayaa xaqiijiyay in maamulaha shaqada ka tagaya ee Ruben Amorim uu kooxda Man United keeni doono tiro shaqaale ah.
Amorim ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay tababaraha cusub ee United, laakiin si rasmi ah uma qaban doono shaqada ilaa November 11. Waxaa u hadhay hal kulan oo kale oo uu hogaamiyo Sporting, safarka Braga ee November 10.
Gyokeres ayaa ahaa xidigii garoonka iyadoo Sporting ay 4-1 ku xasuuqday Manchester City kulan ka tirsan Champions League. Weeraryahankii hore ee Coventry ayaa dhaliyay seddexleey, halka Maximiliano Araujo uu isna shabaqa taabtay.
Qaabka saxda ah ee shaqaalaha Amorim ee United ayaan wali la xaqiijin, laakiin wararka ayaa sheegaya in uu doonayo afar tababare iyo saynisyahan isboorti si uu ula wareego Manchester.
Markii wax laga waydiiyay bixitaanka Amorim ee soo socda, Gyokeres ayaa xaqiijiyay in xubno badan oo ka tirsan Sporting ay sidoo kale la bixi doonaan. “Wax badan ayaan tabi doonaa isaga,” Gyokeres ayaa u sheegay UEFA.
“Waxaan sameynay waxyaabo cajiib ah si wadajir ah, waan tabi doonaa isaga iyo ragga kale ee shaqaalaha ah ee bixi doona, waa inaan sugno tartanka xiga ee nagu soo wajahan.”