Weeraryahanka Bayern Munich Harry Kane ayaan meesha ka saarim inuu dib ugu laabto Premier League inta ka harsan xirfadiisa ciyaareed.
Kane, oo 31 jir ah, ayaa ka tagay Tottenham kuna biiray Bayern Munich suuqii xagaaga ee 2023 isagoo doonayay inuu koobab kula guuleysto.
Kabtanka England ayaa tan iyo markaas dhaliyay 59 gool isagoo 18 caawin sameeyay 57 kulan oo uu saftay kooxda ka dhisan Germany.
Kane wuxuu u muuqdaa mid ku raaxeysanaya kooxda Jarmalka ka dhisan, laakiin wuxuu bixiyay jawaab la yaab leh markii la weydiiyay inuu ku laabanayo Premier League.
“Runtii waan ku riyaaqay halkaan,” ayuu u sheegay The Sun. laakiin waa macquul inaan dib ugu soo laabto England inta ka dhiman xirfadeyda.
“Waan bartaa afka Jarmalka, waxaana qaataa laba cashar todobaadkii, Bavaria waxaan ku leeyahay macalin wanaagsan, way igu adag tahay aniga barashada Jarmalka, laakiin waxaan rajeynayaa inaan halkaan joogi doono sanado badan.
Maalin maalmaha ka mid waxaan doonayaa inaan ku hadlo luuqada Jarmalka “ayuu yiri Kane oo la hadlayay majalada Jarmalka ee Bild.
Mar wax laga weydiiyay ku soo laabashadiisa Premier League, Kane wuxuu yiri: “Malaha hal maalin way dhici doontaa taas.