Arsenal ayaa rajo ka qabta in Martin Odegaard uu soo laaban doono kulanka weyn ee Champions League isbuuca soo socda ku wajahayaan Inter Milan.
Odegaard ayaa si fiican uga soo kabanaya dhaawicii canqawga ka soo gaaray bishii hore, waxaana jirta fursad uu xitaa kaga mid noqon karo kooxda u safreysa Newcastle sabtida.
Laakiin Arsenal ayaa kusoo dedejin doonin garoomada kabtankeeda, maadaama ay kulamo waaweyn kula ciyaari doonaa meel ka baxsan gurigooda Inter iyo Chelsea toddobaadka soo socda.
Odegaard ayaa ku dhaw inuu soo laabto, Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Norwegian-ku uu ku soo laabtay tababarka, laakiin aan qatar la galin doonin xaaladiisa.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku jira heerkii ugu dambeeyay ee soo kabsashadiisa, waxaana la go’aamin doonaa taariikhda saxda ah ee uu soo laabanayo maalmaha soosocda sida uu shaaca ka qaaday tababare Arteta.
Waxaan rajeyneynaa inuu kusoo laabto si dhaqso ah, laakiin waa inaan aragnaa marka hore sida uu tababarka u qaato , “Arteta ayaa yiri.
Odegaard ayaa daaha ka qaaday todobaadkii hore inuu ku dhawaa soo laabasho ka hor inta uusan dib u dhac ku imaan taam ahaanshihiisa