Liverpool, oo si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyadoo keliya la kulantay dhammaan kulamadii la ciyaaray horyaalka. Reds ayaa ku raad-joogta xulashooyin ay ku xoojineyso weerarkeeda.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Isbaanishka ee Fichajes, tababare Arne Slot ayaa tixgelinaya inuu la soo wareego weeraryahanka Crystal Palace, Jean-Philippe Mateta. Mateta ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan bilowgii xilli ciyaareedkii hore. Liverpool ayaa si xooggan uga shaqeyneysa sidii ay u heli lahayd adeegiisa, inkasta oo ay jiraan kooxo kale oo Yurub oo waaweyn oo xiiseynaya laacibkan.
Jean-Philippe Mateta ayaa la sheegay inuu doonayo mushahar kordhin waalli ah, maadaama uu hadda ka qaato Crystal Palace £50,000 usbuucii.Mateta ayaa dhaliyay xilli ciyaareedkii hore 19 gool, 39 kulan oo uu saftay.hadda wuxuu leeyahay shan gool oo uu ku dhaliyay 11 kulan xilli ciyaareedkan.
27 jirkan ayaa hakiyay wada xaajoodyadii qandaraaskiisa, isagoo ka niyad jabsan dalabka Palace. Inkasta oo Palace ay haystaan ikhtiyaarka ay ku kordhin karaan heshiiskiisa laga bilaabo 2026 ilaa 2027, khilaafka qandaraaskan ayaa soo jiitay kooxo waaweyn oo badan, waxaana Liverpool hadda si dhow u eegaysaa xaaladda.
Fichajes ayaa ku warantay in Liverpool ay xiiseyn xooggan u qabto Mateta, iyagoo aaminsan in khibraddiisa Premier League ay fududeyn doonto inuu si dhaqso ah ula qabsado Anfield. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo qaab ciyaareed fiican uu ku soo bandhigay Palace, shaki ayaa weli ka jira in Mateta uu yahay mid heer sare ah oo Liverpool gaarsiin kara hanashada Premier League iyo Champions League.
Dhicista qandaraaska Mateta waxay hoos u dhigi kartaa qiimaha kala iibsigiisa.