Rafael Leao ayaa marar badan si hoose loola xiriiriyay inuu u dhaqaaqo Barcelona, laakiin hadalladaas ayaa mar kale soo if baxay sababo la xiriira dagaal xoogan oo ka dhexeeya Leao iyo maamulka kooxda.
Bandhigga ciyaaryahanka reer Portugal ayaa hoos u dhac weyn ku yimid waxeyna taasi saameyn ku yeelatay darajadii uu ku lahaa kooxda San Siro.Wuxuu kursiga keydka ku qaatay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyay.
Barcelona ayaa ah kooxda keliya ee xaaladdan iska indho tirin sida laga soo xigtay wargeyska Sport. Barcelona ayaana si dhow ula socota dagaalka maamulka Milan iyo Leao.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Leao uu ay xurguf kala dhaxeyso maamulka kooxda, taasoo keentay in qiimihiisu hoos u dhaco – taasoo sidoo kale Barcelona ay ka faa’iideysan karto.
Weerarka Barcelona ayaa dhaliyay goolal badan xilli ciyaareedkan, laakiin warbixintu waxay sheegaysaa in Catalans wali ay doonayaan weeraryahan dhinaca bidix ah xagaaga soo socda.
Sidaas darteed, Leao ayaa ah ikhtiyaar suurtagal ah, iyadoo la eegi doono qiimahiisa, iyo haddii uu go’aansado inuu diyaar u yahay caqabado cusub oo ka baxsan Milan.