Halyeyga weerarka Liverpool, Mohamed Salah, qandaraaskiisa Anfield wuxuu ku eg yahay xagaaga soo socda mana muujin wax calaamado ah oo heshiis kordhin ah.
Micah Richards ayaa sheegay in Liverpool aysan noqon doonin koox adag Salah la’aantiis – wuxuuna ku adkeystay inay “u baahan yihiin isaga”.
In kasta oo Arne Slot uu si wanaagsan u bilaabay nolosha Anfield kana dhigay Reds koox horyaalka u tartameysa, haddana dareen cabsi xooggan ayaa ka jirta kooxda. Saddex ka mid ah xidigahooda heerka koowaad, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, iyo Salah, dhammaantood heshiiskoodu wuxuu ku eg yahay 2025.
Xiddiga Masriga ah, oo kooxda ku soo biiray 2017, wuxuu shaki la’aan noqon doonaa mid ka mid ah halyeeyada Liverpool marka waqtigiisa bixitaanku yimaado, maadaama uu leeyahay taariikh wanaagsan, balse su’aashu waa: Sidee ayay liverpool noqon doontaa haddii uu baxo xagaaga soo socda?
Sida uu sheegay fallanqeeyaha Sky Sports Richards, si fiican uma socon doonto kooxda. Difaacii hore ee Manchester City wuxuu dareemayaa in Salah lama taabtaan yahay haddii guul la doonayo in laga arko Merseyside, kooxdana ma noqon doonto mid dhammeystiran isaga la’aantiis.
Markii la weydiiyay bal in Liverpool ay noqon doonto koox xoogan xilli ciyaareedka soo socda haddii uu baxo Salah, Richards wuxuu si fudud uga jawaabay: “Maya, maya, maya – fursad ma jirto!”
“Ma jirto fursad. Liverpool waxay u baahan tahay Salah. Sababta aan sidaas u leeyahay waa in Salah uu gool dhalin karo xitaa marka aanu si fiican u ciyaareyn. Taasi waa kala duwanaanshaha. Marar badan, wuxuu dhaliyay goolal ka caawisay kooxda iney tartanto. waxaan qabaa in qofna uusan bedeli karin asaga.”