kulankii 16-aad oo tartan yurub ah ayay caawa isaga hor yimaadeen Barcelona iyo Bayern Munich oo kuwada ciyaaray Spain.
Ka hor ciyaarta caawa, Bayern ay badisay 11 ka mid ah kulamadaas ay wajahday Barcelona oo kaliya labo jeer dhankeeda badisay.
Kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa badiyay shantii kulan ee ugu danbeysay ka hor kulankaan,iyadoo la xusuusto guushii caanka aheyd ee 8-2 ay kaga gaareen Barcelona afar sano ka hor.
Intaas oo dhan oo culeys ah Bacelona way iska dajisay caawa, markii ay guul qurux badan ka heleen Bayern Munich.
Barcelona 58 ilbiriqsi oo kaliya ayay hogaanka ciyaarta qabteen, Raphinha oo saftay kulankiisii 100-aad ayaa Barca hogaanka u dhiibay kadib markii uu kubad uu la dhaafah goolhayaha shabaqada ku riday.
Bayern wax walba ayay sameysay si ah goolka barbaraha u helaan, waxay dhaliyeen gool VAR ay meesha ka saartay oo uu dhaliyay Harry Kane daqiiqadii 10-aad, iyadoo weerayahanka England uu kujiray garab dhaaf.
Laakiin markale ayuu kubad qurux badan shabaqa ku tolay Kane, oo caawin ka helay Gnabry oo kubad dhaqsiyo badan ku siiyay sanduuqa lixda yaardi ee goolhayaha.
Daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta Lewandowski ayaa hogaanka Barcelona soo celiyay, inkastoo shaki uu galay goolkiisa haddana ugu dambeyn waa ansixiyay.
Bayern oo dhibane u noqtay Barcelona wixii intaas ka dambeeyay waxaa laga dhaliyay isla qeybtii hore goolka 3-aad waxaa markale shabaqadeeda gaaray xiddiga mucjisada noqday maalmahaan ee Raphinha.
Kadib wacdarihii xalay xusuusta lahaa ee Real Madrid kulankii Borussia Dortmund, dadka qaar ayaa qabay in qeybta labaad Bayern soo laabasho sameyn kartay maadaama 3-1 lagu nasiyay.
Bayern iska daa soo laabasho ay sameysee, iyadaa la ciqaabay markale qeybtii labaad ee ciyaarta.
Raphinha ayaa ka dhaliyay goolkiisii saddexaad iyo kii afaraad ee kooxdiisa Bayern kadib markii Yamal shaqo fiican qabtay.
Bayern Munich wax kasta oo ay sameeyeen way keeni waayen wax isbedel ah waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday 4-1 oo ay Barcelona ku badisay.