Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaa sheegay inuu ku dhow yahay inuu ka fariisto kubadda cagta caalamiga ah kadib markii uu barbareeyay rikoor uu horey u dhigay xiddiga ay xafiiltamaan, Cristiano Ronaldo. Messi, oo 37 jir ah, isla markaana ku guuleystay laba Copa America iyo hal Koob Adduun, ayaa ku soo laabtay xulka Argentina kadib dhaawac canqowga ah oo uu ku seegay laba kulan.
Inkasta oo uu Messi wali qaab ciyaareed wanaagsan ku jiro, ma xaqiijin karo inuu sii wadi doono inuu u ciyaaro xulkiisa illaa Koobka Adduunka 2026. Messi wuxuu muujiyay heerkiisa sare markale isagoo saddexleey dhaliyay iyo laba caawin ka sameeyay guushii 6-0 ee Argentina ka gaartay Bolivia.
Saddexleeydii uu ka dhaliyay Bolivia waxay ahayd tiisii tobnaad ee heer caalami, taasoo ka dhigaysa inuu barbareeyo Ronaldo oo leh tirada ugu badan ee saddexleey ee ciyaaryaha caalamiga.
Ciyaarta kadib, Messi ayaa qirtay inuu ku dhow yahay dhamaadka xirfadiisa ciyaaraha caalamiga ah. Wuxuu sheegay, “Aad ayay u wanaagsan tahay in halkaan lagu ciyaaro anagoo dareemayna jacaylka taageerayaasha Argentina. Waan ku faraxsanahay inaan maqlo sida ay u ammaanayaan magaca aan wato.”
Wuxuu intaas ku daray, “Ma aanan dejin taariikh ama waqti ku saabsan mustaqbalkayga. Waxaan kaliya ku raaxaysanayaa wakhtigeyga. Waan ka dareen badanahay sidii hore, waxaan la dhacsanahay jacaylka dadka ay ii muujinayaan, sababtoo ah waxaan ogahay inay tani noqon karto ciyaartayda ugu dambeysa.”
Saddexleeydii Messi ayaa keentay tirada goolashiisa Argentina iney gaarto 112 gool, halka Ronaldo uu u dhaliyay Portugal 133 gool.