Messi ayaa saddexleey dhaliyay iyadoo Argentina ay 6-0 ku xaaqday Bolivia.
Argentina ayaa kusoo laabatay wadada guusha ka dib guuldaradii ka soo gaartay Colombia bishii hore iyo barbarahii Venezuela toddobaadkii hore.
Lionel Messi ayaa dhaliyay saddexleydiisii 10-aad ee caalami ah waxaana uu gacan ka geystay laba gool oo kale iyadoo Argentina ay 6-0 ku garaacday Bolivia ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee ka dhacday garoonka Monumenta,l Talaadadii. i
Kaliya markiisii labaad ayuu Messi u saftay xulka tan iyo markii uu ka soo kabsaday dhaawac soo gaaray bishii Luulyo, waxa uu ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay daafaca Marcelo Suarez si uu u furto gool dhalinta daqiiqadii 19-aad.
Goolhayaha Bolivia Guillermo Viscarra ayaa sameeyay badbaadooyin wanaagsan si uu uga hortago in Argentina xulkiisa ku xaaqdo goolal kasii badan tiradaas.
Messi oo 37 jir ah ayaa taageerayaasha farxad geliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta, isagoo ka gudbay laba daafac oo Bolivia ah ka hor inta uusan kubbad xooggan ka dhalinin goolhaye Viscarra si uu u dhaliyo goolkiisii labaad.
Argentina waxay ku jirtaa kaalinta koowaad iyagoo leh 22 dhibcood, waxayna dib ugu soo laabteen wadada guulaha ka dib guuldaradii ka soo gaartay Colombia bishii hore iyo barbarahii Venezuela toddobaadkii hore.