Thomas Tuchel ayaa ogolaaday inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka England kadib markii uu heshiis la gaaray xiriirka kubbada cagta Ingiriiska, waxaana macalinka reer Jarmal la soo bandhigi doonaa dhamaadka todobaadkan.
Tuchel ayaa si dhaqso ah u ogolaaday shaqadaan Talaadadii maanta, ka dib markii uu kulamo deg deg ah la qaatya saraakiisha FA-da hogaamiso.
Heshiis ayaa hadda la isku afgartay, iyadoo Tuchel uu noqon doono tababarihii saddexaad ee ajnabi ah ee xulka England taariikhda maamulka ka dib Sven-Goran Erikkson iyo Fabio Capello.
FA-ga ayaa baadi goobayay macalin cusub kadib dhamaadkii Euro 2024 markaasoo Gareth Southgate uu iska casilay xilka tababarnimo.