Pep Guardiola ayaa sheegay in wax walba laga filan karo mustaqbalkiisa kubada cagta, iyadoo warar sheegayaan in tababaraha reer Spain lala xiriirinayo shaqada xulka England.
Xulka England ayaa raadinaya tababare cusub ka dib markii Gareth Southgate uu iscasilay, waxaana xilka si ku meel gaar ah u haya Lee Carsley. Laakiin Carsley ma doonayo inuu shaqada si rasmi ah u qabto, taasoo keentay in Guardiola uu noqdo mid ka mid ah musharixiinta bedeli kara.
Qandaraaska Guardiola ee Manchester City ayaa dhacaya xagaaga soo socda, taasoo la micno ah inuu fursad u heli karo inuu koox kale ama xul kale tababare u noqdo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Markii wax laga weydiiyay inuu tababare u noqonayo xulka England, Guardiola wuxuu sheegay in wali uusan dhamaysan shaqadiisa Manchester City, wuxuuna yiri: “Ma ahan run inaan noqon doono tababaraha xulka qaranka England, wali wax go’aan ah ma gaarin, wax walba ayaa dhici kara nolosha.”