Tababaraha xulka Netherlands Ronald Koeman ayaa aad u carooday kadib markii kabtankiisa Virgil van Dijk laga saaray ciyaartii ay 1-1 la galeen Hungary ee Nations League.
Koeman ayaa sheegay inuusan u yeeran doonin wax beddel ah oo buuxiya booskii Van Dijk oo ganaaxan uu banneeyay ka hor safarka muhiimka ah ee ay ku tegayaan Jarmalka Isniinta, laakiin wuxuu la yaabay go’aankii degdega ahaa ee lagu bixiyay casaanka ciyaartii Nations League.
Van Dijk ayaa qaatay labo kaar oo jaalle ah oo isku xigta saddex daqiiqo gudahood qeybtii dambe ee ciyaarta, kaarka hore wuxuu ku qaatay aflagaado uu ku sameeyay garsooraha, halka kii labaad uu ku qaatay qalad uu si cad ugu mutaystay jaallaha.
“Waqtigaas wuxuu ahaa mid niyad-jab leh,” Koeman ayaa u sheegay warbaahinta NOS. “Ma fahmin. Waxaan filayay inaan ku heshiinnay in kabtanku uu la doodi karo garsooraha.
” In Virgil uu qaato kaarka labaad ma ahayn mid wanaagsan.Garsooraha wuu ogyahay taas.”
Koeman ayaa xaqiijiyay inuusan kooxdiisa ku soo kordhin doonin ciyaartoy kale safarka Jarmalka.
Netherlands haatan waxey heysaa hogaanka Group A3 ee Nations League iyagoo leh toddobo dhibcood kadib saddex kulan.
Koeman wuxuu ku tilmaamay natiijada barbaraha Budapest inay ahayd mid “macquul ah” kadib markii kooxdiisa ay ku jirtay xaalad Xun oo 1-0 looga hormaray qeybtii hore, balse ay barbaro la yimaadeen dhammaadkii ciyaarta iyadoo Denzel Dumfries uu dhaliyay goolkaas, ka dib casaankii Van Dijk.
“Maanaan is dhiibin, waxaan ciyaarnay kubad naf-quur oo noo sahashay in aan dhalinno goolka barbaraha. Kadibna iyaga (Hungary) waxay abuureen fursado halis ah, laakiin si fiican ayaan u difaacannay. Taasi waxay ku siineysaa dareen macquul ah oo la aqbali karo.”