Neymar ayaa sugi doona inuu ku soo laabto kubada cagta ka dib markii warbixin dhowaan la shaaciyay ay muujinayso rajo fiican.
Xiddiga reer Brazil ayaa dhaawac halis ah soo gaaray isagoo matalayay xulkiisa Brazil xilli ciyaareedkii 2023/24.
Xagaagii 2023 Paris Saint-Germain waxay Neymar ka iibisay Al-Hilal,
Heshiiska ayaa ku kacayay £ 78 Milyan, waxaana ay u ahayd fursad bilow cusub ah ka dib dhowr sano oo niyad jab ahayd oo ku dareemayay Faransiiska.
Nasiib darrose, waxaa gaaray dhaawac halis ah horaantiisii xilli ciyaareedka, shan jeer oo kaliya ayuu u ciyaaray kooxdiisa cusub.
Haatan waxa uu garoomada ka maqan yahay 11 bilood, waxaana uu weli diyaar u noqon doonin inuu ku soo laabto ugu yaraan dhowr bilood oo kale.
Waa dharbaaxo naxariis darro ah oo gaartay Neymar , dhaawiciisi ugu dambeeyayna wuxuu ku noqday musiibo.
Si kastaba Neymar rajo ayuu leeyahay oo ah inuu dib usoo laabto.