Arsenal ayaa walwal soo foodsaartay, kadib dhaawac weyn oo soo gaadhay Riccardo Caliriori , kaaso jug gaartay intii lagu gudajiray guushii ay Talyaanigu ka gaareen France.
Daafaca, oo heshiis dhan £ 42 milyan ugu biiray Emirates, ayaa dhaawac ka gaadhay canqowga ka dib markii Ousmene Dembele uu ku dhacay.
Caliori waxuu ciyaaray kaliya saacad ka mid ah bandhiga Parc des Princes laakiin waxaa meesha ka saaray dhakhaatiirta waxyar ka dib dhacdada.
Muuqaallada ka imaaday garoonka ayaa walwal ku abuuray Mikel Arteta, Daafaca ayaa u muuqday mid dareemayay xanuun aad u weyn inta uu dhuulka yaalay madaama asxaabtiisa ay ku soo urureen hareerahiisa.
Si kastaba ha ahaatee, macalinka reer Talyaani Luciano Spalletti ayaa yareeyay cabsida laga qabo in laga baqo in muddo dheer uu maqnaado, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu xitaa soo laaban karo kulanka xiga.
Callafiori ayaa labo kulan u saftay kooxda Arsenal tan iyo markii uu ka soo biiray kooxda Serie A.
Marka laga soo laabto fasaxa caalamiga ah waxay Arsenal la ciyaari doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham.