Ciyaartoyda iyo taageerayaashu si isku mid ah waa inay la tartamaan Champions League-ga cusub ee la ballaariyay kaasoo qaadan doona qaab cusub.
Nidaamku wuxuu ku tusin doonaa koox kasta inay ku ciyaarto siddeed naadi oo kala duwan marxaladda tartanka, iyadoo siddeedda ugu sareysa ay si toos ah usoo bixi doonan.
Taageerayaasha ayaa wali la tacaalaya sida uu u ekaan doono qaabka cusub ee Champions League.
UEFA waxa ay ku badashay heerka group-yada marxalada horyaalka si kor loogu qaado khibrada taageereyaasha iyo in la helo kulamo badan oo heer sare ah.
Tirada kooxaha ayaa laga dhigi doonaa 36 marka loo eego 32-kii hore, iyadoo koox walba ay la ciyaari doonto sideed kooxood oo kala duwan marxaladda horyaalka – afar guri iyo afar marti ah.
Isku aadka sanadkan ayaa la qaban doonaa August 29 ka hor inta aan la ciyaarin wareega hore ee ciyaaraha 17ka Sebtember.
Dheriga weli waa sidiisa; Kaliya waxaa la sameen doono afar dheri oo min sagaal kooxood ah, ma aha siddeed sida markii aan haysanay 32 kooxood.
Yaa wajihi kara Arsenal isku aadka Champions League?.
Waxa ay ka badbaaden kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Aston Villa, maadaama ay hal horyaal ka yimaadeen.
Sidaa darteed kooxda Mikel Arteta waxa ay si fudud ugu aadi kartaa Santiago Bernabéu iyo Real ama kulan kale oo ay Emirates kula ciyaari doonaan Bayern Munich.