Olympique Lyon waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo soo laabashada Georges Mikautadze ee naadigiisa uu jecel yahay.
Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Georgia ayaa saxiixay qandaraas 4 sano ah, kaasoo uu Lyon ku sugnaanaya ilaa June , 2028.
Qiimaha Lyon iyo FC Metz ay ku hashiiyeen ayaa gaadhaysa €18.5 milyan oo ginni.
Georges Mikautadze oo u saftay 29 kulan 13 goolna u dhaliyay xulka qaranka Georgia ayaa dhawaan taariikh u sameeyay qarankiisa isaga oo u soo saaray wareega 16 ka ee Euro markii ugu horaysay.
Inkasta oo ay gacanta Spain ku hareen, Mikautadze ayaa ka mid noqoday gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka isagoo dhaliyay 3 gool 4 kulan oo uu ciyaaray.
Mikautadze Waxa uu ku dhashay degmada Gerland bishii October 2000, Georges Mikautadze waxa uu Lyon u ciyaaray ilaa uu ka gaadhay 15 jir, ka hor inta aanu u wareegin Saint-Priest ka dibna FC Metz.
Markii uu la joogay kooxda Lorraine, wuxuu ciyaaray 64 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 38 gool oo cajiib ah iyo 13 caawin.
Georges Mikautadze wuxuu had iyo jeer siiyay mudnaanta Olympique Lyonnais.
Ku xirnaanshihiisa naadiga iyo go’aankiisa weyn waxay noqon doontaa hanti qiimo leh.