Manchester City ayaa dhamaystirtay saxiixa garabka reer Brazil ee Savio oo ay kala soo wareegeen Troyes adduun dhan 21 milyan oo ginni, iyadoo 12.6 milyan oo ginni ay ku xidhnaanayso qaab ciyaareedkiisa.
20 jirkaan ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo uu ku sii joogayo Etihad, waxaana uu qeyb ka noqon doonaa xilli ciyaareedkan kooxda koowaad ee Pep Guardiola.
Savio oo xidhan doona lambarka 26-aad, ayaa muddo dheer la filayay inuu heshiish u saxiixo City, iyadoo haatan ay hirgashay.
City ayaa ku qasbanaatay in ay tusiso Premier League in ay si cadaalad ah ku bixinaysay qiimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Waxa uu u wareegay Troyes oo uu ugu biiray kooxda City Football Group laba sano ka hor lacag dhan 6.5 milyan euro, isaga oo 6 milyan oo kale ku daray, laakiin waligiis uma ciyaarin kulan tartan ah kooxda Faransiiska.
Amaah uu ku qaatay PSV Eindhoven 2022/23 ayaa ahaa mid aad u liitay laakiin waxa uu qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ka helay kooxda City Football Group ee Girona xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 9 gool isla markaana abuuray sagaal kale xilli ay ku dhamaysteen kaalinta 3-aad ee La Liga una soo baxeen champions League.