Tababaraha cusub ee Barcelona Hansi Flick ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in kooxda Catalan ay dib ula soo saxiixato daafaca Manchester City ee Joao Cancelo xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa xilli ciyaareedkii 2023-24 amaah kula joogay Barcelona isagoo ka yimid Man City, isagoo u saftay 42 kulan tartamada oo dhan.
Cancelo ayaan wali ku soo laaban Citizens tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub sababtuna waxay tahay inuu ka qayb galay Euro 2024, laakin daafaca midig ayaa dib ugu laaban doona kooxda Pep Guardiola ka hor xilli ciyaareedka 2024-25.
Daafaca ayaan loo malaynayn in uu mustaqbal ku yeelan doono Etihad Stadium, inkasta oo uu burburay xidhiidhkii uu la lahaa tababaraha Man City ee Guardiola.
Man City ayaa loo malaynayaa inay ku doonayso Cancelo €25 Milyan taasoo dhibaato ku noqon doonta Barcelona, maadaama ay kooxda mudnaan kale siinaysa saxiixa xiddiga Athletic Bilbao ee Nico Williams.
Al-Ahli iyo Al Ettifaq ayaa lagy soo waramayaa in ay si cad u sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay bixinayaan qiimaha ay ku doonayaan Man City, laakiin daafaca dambeedka midig ayaa la sheegay in ay ka go’an tahay in uu dib ugu laabto Barcelona.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, tababaraha Barcelona Flick ayaa si cad u sheegay inuu doonayo Cancelo inuu mar kale noqdo daafaca midig ee kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedka 2024-25.
Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilka Cancelo ee Jorge Mendes uu haatan sahaminayo dhammaan xulashooyinka miiska saaran.
Juventus iyo Inter Milan ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseynayaan Cancelo, iyadoo kooxaha reer Talyaani labaduba ay doonayaan inay dib ula soo wareegaan xagaagan.
Cancelo waxa uu Inter amaah ugu matalay ololihii 2017-18 waqtigiisii Valencia, halka uu Juventus ku biiray 2018, isagoo hal xilli ciyaareed u soo ciyaaray Old Lady ka hor inta uusan u dhaqaaqin Man City.
Damaca daafaca ee ah inuu ku laabto Barcelona ayaa fure u noqon kara, maadaama laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu sugo ilaa maalinta ugu dambeeya ee suuqa, taasoo ku qasbi karta inay Man City iska dirto.
Cancelo ayaa ka qayb qaatay afar gool iyo shan caawin 42 kulan oo uu u saftay kooxda Catalan xilli ciyaareedkii hore, halka uu 9 gool iyo 21 caawin ka sameeyay 154 kulan oo uu u saftay Man City tartamada oo dhan.
Daafaca dambeedka midig ayaa seddex sano oo kale uga harsan tahay qandaraaskiisa Etihad Stadium, isagoo qandaraas cusub u saxiixay kooxda heysata horyaalka Premier League Febraayo 2022kii.