Dani Olmo wuxuu heystaa Euro 2024 , oo qaab heer sare ah uga caawiyay xulkiisa Spain inay ku guuleysato, isagoo dhaliyay seddex gool, waxaana gacanta laga saaray abaalmarinta gool dhalinta Golden Boot.
Wacdaradiisa Euro2024 ayaa keentay in kooxo badan, oo ay ku jirto Manchester United, ay xiiseyaan saxiixiisa.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka waxaa Qandaraaskiisa lagu burburin karo qiyaastii £ 50 milyan , laakin inkastoo awoodiisa aan la dafiri karin, rikoorkiisa dhaawaca ee sanadihii ugu dambeeyay ayaa hoos u dhigaysa in koox si fudud ku iibsato.
Tani waa ceebta xiddiga Spain, Olmo keeydleey ayuu ahaa kulankii heerka group-yada ee dalkiisa uu ka badiyay Italy.
Hubaashii Hadii Pedri uusan dhaawac soo gaari lahayn 10-kii daqiiqo ee ugu horeysay ee wareega 8da ee Germany, Olmo ayaa laga yaabay inuusan ciyaarin ciyaartaas sidoo kale, lakiin Spain ayaa ka mahadcelineysa inuu sameeyay, qaab ciyaareed cajiib ah oo u sahlay ciyaaryahanka Leipzig inuu shabaqa soo taabto.
Ka dib, semi-finalkii, wuxuu ku celceliyay isla qaab ciyaareedkiisii wacnaa taaso keentay inuu gool ka dhaliyo France, islamarkaana uu ka caawiyo in Spain ay u soo baxdo finalka.
Si la mid ah saamaynta guushii finalkii ay ka gaareen England, waa la fahmi karaa in ay sababtay in kooxo badan ay isku dagaalan saxiixiisa.
Laakin Olmo wuxuu seegay 49 kulan labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Manchester United ayaana ku fakirtay in aysan ku ciyaarin maalgashiga Erik ten Hag ee xagaagan.
Maalgelinta suuqa ee Man United wada xagaagan halis ayee gelin karta taariikhdiisa dhawaca, waa sida Boorka Sare ee Kooxda Ku fakireen.
RB Leipzig waxay u furan tahay dalabyo waa weyn inay ku heshi xiddigan, laakiin rikoorkiisa dhaawaca ayaa gadaal u celin karta kooxaha daneenaya.