Rajadii laga qabay in ay si wanaagsan ku bilowdaan ayaa wuxuu burburay goolkii laga dhaliyay waqtigii dhimashada.
Erik ten Hag ayaa waxaa ka maqnaa dhowr ka mid ah safkiisa sababo la xiriira ka qeyb galka Horyaalada Yurub iyo Copa America.
Ten Hag waxaa u ciyaarayay Marcus Rashford, Aaron Wan-Bissaka iyo Casemiro, laakiin taasi kuma filnaan inay ka badbaadaan guuldaradii ka soo gaartay kooxda Rosenborg.
Man United ayaa xaqiijisay magacaabista goolhayaha cusub ee Radek Vitek, kaasi oo wacdarro dhigay, kana yaabsaday Ten Hag.
Goolhayaha Lixda feet ah ee dalka Czech, ayaa sameeyay badbaadino xiriir ah taas oo soo jiidatay Macalin Erik Ten Hag.
Vitek waxa uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee United ugu fiicna qeybta labaad ee ciyaarta.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa u qalmay inuu baxo isagoo shabaqiisa nadiif ah, laakin ma aysan noqon, waxaana gool xilli dambe yimid ka dhaliyay Noah Holm.
Mason Mount ayaa mar kale ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho Manchester United.
Mount waxa uu ahaa mid ku dhex lumay garoonka qeybihii hore oo dhan.
Inkastoo ciyaar saaxiibtinimo ay tahay, hadana waxaa lama huraan ah inaad is muujiso balse Mount ayaa u muuqdo mid ay ku fashilantay United Saxiixiisa.