Tababarihii hore ee Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu ka bedelo Gareth Southgate tababaraha xulka qaranka England.
Mustaqbalka Southgate ee England ayaa haatan ah mowduuca ugu xiisaha badan kadib guuldaradii 2-1 ee Axadii ka soo gaartay Spain finalka Euro 2024.
53 jirkaan ayaa England ku hogaamiyay finalka koobka qaramada Yurub oo xiriir ah iyo sidoo kale semi-finalka koobka aduunka 2018.
Inkastoo koob weyn uu ka haray seddexda libaax, hadana xiriirka kubada cagta ayaa weli isha ku haaya Southgate inuu hogaamiyo dalkaan koobka aduunka 2026 ee ka dhacaya wadamada USA, Canada iyo Mexico.
Si kastaba ha ahaatee, qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa December, hadda waxay ku xiran tahay Southgate inuu go’aan ka gaaro inuu doonayo inuu kordhiyo heshiiska.
Ka dib qalbi jabkii Axadii ee Berlin, Southgate wuxuu daaha ka qaaday inuu u baahan doono “inuu la hadlo dadka saxda ah” haddii uu sii ahaanayo tababaraha England iyo hadii kale.
Iyadoo Southgate uusan weli wax go’aan ah gaarin, ayaa waxaa durbaba aad loo hadal hayaa cidda bedeli karta haddii uu xilka ka tago.
Sida laga soo xigtay The Sun, Tuchel ayaa xiiseynaya inuu beddelo Southgate ka dib markii hore loola xiriirinayay shaqada England ka dib Koobkii Adduunka ee 2022.
Inkastoo aysan jirin wax xiriir ah oo lala sameeyay FA-ga, Tuchel wuxuu jeclaan lahaa inuu tijaabiyo gacantiisa maamulka caalamiga ah markii ugu horeysay xirfadiisa ciyaareed.
Tuchel, oo Chelsea kula guuleystay Champions League 2020-21, ayaa hadda shaqo la’aan ah ka dib markii uu ka tagay Bayern Munich dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Sidoo kale Graham Potter, ayaa hadda ugu cadcad beddelka Southgate.
Potter, oo ku bedelay Tuchel Stamford Bridge, ayaa wali raadinaya doorkiisa xiga tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii Abriil 2023.
Dhanka kale, maamulaha Newcastle United Eddie Howe ayaa loo arkaa inuu yahay musharax kale, laakiin Magpies ayaa ka caga jiidi doonta inay kala tagaan 46 jirkaan.
Si taas la mid ah Tababarihii hore ee Chelsea Mauricio Pochettino iyo tababarihii hore ee Liverpool Jurgen Klopp ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonaan shaqo xulleed, waxayna qeyb ka yihiin liiska macalimiinta bedeli kara Southgate.