Sawirro naxdin leh ayaa ka soo baxay dhaawaca canqowga ka soo gaaray Lionel Messi xilli xiddiga reer Argentine lagu qasbay in uu dhaawac uu kaga baxo kulankii finalka Copa America ee qarankiisa ku guuleystay.
37 jirkaan ayaa ku qasbanaaday inuu dibada ka ahaado ciyaarta markii la bedalay qeybtii 2aad.
Ciyaarta dhexmartay Argentina iyo Colombia ayaa lagu kala nastay 0-0 markii uu dhaawacu soo gaaray, waxaana Messi uu ahaa mid qiireysnaa oo lagu qasbay inuu garoonka ka baxo.
Weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez ayaa daqiiqadii 112-aad dhaliyay goolka guusha ee ciyaarta.
Guushan ayaa ka dhigan in Argentina ay ku guuleysatay koobkii 16-aad ee Copa America, iyadoo Uruguay ay ka xayuubisay inay tahay dalka ugu guulaha badan taariikhda tartanka.
Messi waxa uu ciyaaray wax ka yar hal saac ka hor inta uusan dhaawac canqowga ah uu u muuqday mid xun, waxaa sawiro laga qaaday xitaa laga arkay in lugtiisa ay sameeysay barar.
Dhaawaca Laacibka Inter Miami ayaa yimid markii ay isku dhaceen daafaca dambeedka midig ee Colombia Santiago Arias.