Jack Grealish ayaa lagu arkay maxkamada dhexe ee Wimbledon iyadoo England ay isku diyaarineysay inay la ciyaarto Spain finalka Euro 2024, ka hor inta aan laga qaadin koobka.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Manchester City ayaa u daawanayay kulan adkaa oo u dhaxeeyay Carlos Alcaraz iyo Novak Djokovic.
Ciyaaryahankii hore ee Aston Villa ayaan dusha iska saarin kulanka Finalks oo ay xulkiisa ciyaaraysay.
Rajada England ayaa ceel dheer ku dhacday kadib markii ay ku guuldareysatay inay hantaan koobkoodii ugu horeeyay tan iyo 1966kii.
Go’aankii Gareth Southgate ee ahaa in aanu Grealish iyo Marcus Rashford u soo xulin tartanka qaramada Yurub ayaa shaki galiyay ka hor inta aanu tartanka bilaabmin.
Si kastaba ha ahaatee, Saddexda Libaax ayaa ilaa finalka yimid weliba la’aanta labada ciyaaryahan ee fadhigoodu yahay Manchester.
Jack asxaabtiisa ayaa ku guuldareystay inay ka farxiyaan taageryaasha muddada murugeysan balse iyaga ayaaba ilintooda ku qubatay Berlin.