Goolhayaha England ee Jordan Pickford ayaa loo sheegay dariiqa uu mari laha in Fabian Schar uu ka istaajiyo rigoorada, laakin wuu ku guuldareystay inuu raaco tilmaamaha.
Jordan Pickford waxa uu sameeyay hal qalad oo yar Euro, kaas oo inuusan raacin tilmaamo la siiyay mooye uu kubada ka qaban laha Schar.
Isagoo si weyn uga hortagay Manuel Akanji rigooradii ugu horeysay ee ciyaarta, Pickford ayaa ilaabay inuu raaco tilmaamta ku qorneed caagada biyaha.
Gareth Southgate wiilashiisa ayaa ka badiyay Switzerland.
Waxaana rigoorayaasha shanta ah u wada dhaliyay
Cole Palmer, Jude Bellingham, Bukayo Saka, Ivan Toney iyo Trent Alexander-Arnold.
Pickford ayaa loo dhiibay dhalo biyo ku jiray ka hor rigoorayaasha.
Badbaadinadii uu sameeyay waxaa ka caawisay caagada biyaha oo ay u soo bandhigeen kooxda rigoorada,
Iyadoo ay ku qornaayeen dhamaan magacyada ciyaaryahan kasta oo rigoorada u laadaya Switzerland, sawir si qarsoodi ah loo helay ayaa muujinaya in daafaca Newcastle United Fabian Schar uu dooran doono inuu aado dhanka bidix ee Pickford, iyadoo Pickford loo sheegay inuu sidaas sameeyo.
Balse waxaa Laga yaaba in si khaldan uu u akhriyay goolhaayaha, isag99 is bedalay daqiiqadii ugu dambeysay.
Waxaa ku qorneed caagada in Fabian Schar uu u waabin doona dhanka midig balse uu u laadi doona dhanka bidix.
Si kastaba ha ahaatee, Pickford wuu been abuurtay BIDIXDA oo wuxuu u booday MIDIG, waana qaladka keliya uu sameeyag.
Si kastaba ha ahaatee, rigooradii Schar wax macno ah ma sameynin waayo England ayaa ku badisay 5-3 guud ahaan iyadoo Alexander-Arnold uu dhaliyay goolka ugu dambeeyay.
Caagada biyuhu waxay daaha ka qaadaysaa heerka faahfaahinta ay heli karaan goolhayayaasha si ay uga caawiyaan inay helaan faa’iido nafsi ah.