Jude Bellingham, Jamal Musiala iyo Bruno Fernandes ayaa hoggaaminaya liiska 20ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, laakiin midkoodna ma awoodin inuu kaalinta koowaad cidhiidhsado oo uu isku qoro laacibka ugu fiican.
Kaddib xilli-ciyaareed adag oo bishii hore ee May soo dhamaaday, waxa bilaabantay in lasoo bandhigo qiimayntii ciyaartoydii ugu fiicnaa ee boos waba, waxaana hadda halkan aanu idiinku soo gudbinaynaa 20kii ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu fiicnaa amaba ugu wanaagsan waqtigan.
Waxa kaalinta koowaad galay oo la isku raacsan yahay inuu yahay dhaxda ugu fiican, kubbad-burburiyaha Manchester City ee Rodri oo kooxdiisa kula guuleystay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, laakiin uu ka jabay rikoodhkiisii guul-darro la’aanta ee soo xidhiidhsanaa 74ka ciyaarood.
Waxa liiska xiddigaha ugu fiican ee khadka dhexe ay ku wada jiraan kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo bandhig fiican sameeyey xilli-ciyaareedkii tegay iyo Declan Rice oo kooxdoodu ay kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League.
Hakan Calhanoglu oo ah laacibka reer Turkey ee khadka dhexe uga ciyaara Inter Milan iyo Nicolo Barella oo ay isku koox yihiin ayaa horyaalka Talyaaniga oo dhan kasoo galay liiska 20ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu fiican.
Real Madrid ayaa liiska dhaxda ugu fiican ku yeelatay ciyaartoyda ugu badan, waxaana kaga jira Eduardo Camavinga, Jude Bellingham, Toni Kroos, Aurelien Tchouameni iyo Toni Kroos oo isagu gebi ahaaba ciyaaraha ka fadhiistay.
Halkan kaga bogo 2ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu fiican dunida
20.) Hakan Calhanoglu
19.) Eduardo Camavinga
18.) Alexis Mac Allister
17.) Bruno Guimaraes
16.) Xavi Simons
15.) Joshua Kimmich
14.) Frenkie De Jong
13.) Nicolo Barella
12.) Jamal Musiala
11.) Kai Havertz
10.) Kevin De Bruyne
9.) Bruno Fernandes
8.) Pedri
7.) Aurelien Tchouameni
6.) Florian Wirtz
5.) Declan Rice
4.) Toni Kroos
3.) Martin Odegaard
2.) Jude Bellingham
1.) Rodri